Himilo – Rafael Benitez ayaa la soo wariyay in loo bandhigay fursad uu ugu soo laaban karo kooxda Newcastle United mustaqbalka dhaw.
Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa doonaya in uu iibsado kooxda. Haddii wadahadallada gaaraan meel wanaagsan, The Sun ayaa tilmaameysa in milkiilayaasha cusub dib ula midoobi doonaan Benitez inta lagu guda jiro xagaaga.
Kaddib markii uu heshiis cusub la qaadan waayay Mike Ashley, Benitez ayaa u dhaqaaqay kooxda ka dhisan Shiinaha ee Dalian Yifang kahor bilaabashada ol-olahan.
Isaga oo heysta miisaaniyad yar, Benitez ayaa ku guuleystay 6 cayaar oo asal ahaan kamid ahaa 146 kulan oo uu maamulayay Newcastle United intii u dhaxaysay Maarso 2016 illaa June 2019.