Home / Cayaaro / Rafinha oo soo gabagabeeyay 14 sano oo uu joogay Barcelona

Rafinha oo soo gabagabeeyay 14 sano oo uu joogay Barcelona

Himilo – Paris St Germain ayaa heshiis seddex sano ah la gashay Barcelona taasi oo ku aadan saxiixa xidigga reer Brazil ee Rafinha.

27-jirkaan ka ciyaara khadka dhexe ayaa ka ciyaari doona France, kaddib markii uu soo gabagabeeyay muddo 14 sano ah oo uu joogay Barcelona. Laacibkan ayaa naadiga yimid markii 13 sano jir uu ahaa.

Rafinha ayaa kamid ahaa kooxda waa weyn tan iyo 2011, inkastoo sannadkii lasoo dhaafay uu amaah kusoo qaatay Celta Vigo.

War murtiyeed ay soo saartay kooxda ayay ku tiri “FC Barcelona waxay jeclaan laheyd in ay u mahad celiso Rafinha, dadaalkiisa uu kooxda ku joogay, waxayna u rajeyneysaa mustaqbal wanaagsan.”

Laacibkan ayaa kooxda la qaaday 11 koob oo waa weyn oo ay kamid yihiin Champions League, seddex horyaal, seddex Copa del Rey, isaga 12 gool u dhaliyay 89 kulan oo uu u ciyaaray.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan