Rafinha oo soo gabagabeeyay 14 sano oo uu joogay Barcelona

Himilo – Paris St Germain ayaa heshiis seddex sano ah la gashay Barcelona taasi oo ku aadan saxiixa xidigga reer Brazil ee Rafinha.

27-jirkaan ka ciyaara khadka dhexe ayaa ka ciyaari doona France, kaddib markii uu soo gabagabeeyay muddo 14 sano ah oo uu joogay Barcelona. Laacibkan ayaa naadiga yimid markii 13 sano jir uu ahaa.

Rafinha ayaa kamid ahaa kooxda waa weyn tan iyo 2011, inkastoo sannadkii lasoo dhaafay uu amaah kusoo qaatay Celta Vigo.

War murtiyeed ay soo saartay kooxda ayay ku tiri “FC Barcelona waxay jeclaan laheyd in ay u mahad celiso Rafinha, dadaalkiisa uu kooxda ku joogay, waxayna u rajeyneysaa mustaqbal wanaagsan.”

Laacibkan ayaa kooxda la qaaday 11 koob oo waa weyn oo ay kamid yihiin Champions League, seddex horyaal, seddex Copa del Rey, isaga 12 gool u dhaliyay 89 kulan oo uu u ciyaaray.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan