Home / Cayaaro / Raheem Sterling oo doonaya inuu ka tago Manchester City

Raheem Sterling oo doonaya inuu ka tago Manchester City

Himilo – Xiddiga Raheem Sterling ayaa la soo weriyay inuu daneynayo ka tagitaanka kooxda Manchester City inta lagu jiro suuq furanka ciyaartowda ee bisha Janaayo sanadka 2022.

Laacibkan  caalamiga ah ee u dhashay waddanka Ingiriiska ayaa naadiga muwaadiniinta ka tirsanaa taniyo 2015. Wuxuu ka soo muuqday 307 kulan dhammaan tartamada oo idil.

26 jirkan waxaa u suura galay keliya inuu labo gool ka dhaliyo ciyaaraha horyaalka ingiriiska. Kulankii derbiga ee labada Manchester xitaa beddel laguma soo gelin ciyaarta.

Kooxda Barcelona ayaa weli lala sii xiririnayaa inuu u dhaqaaqi doono weereryahankan. Tababaraha cusub ee kooxdaas Xavi ayaa lagu wadaa inay ku wada kulmaan Camp Nou 2022.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan