Home / Cayaaro / Ramsey: ‘Waxaan ahay ciyaaryahan juve ah’

Ramsey: ‘Waxaan ahay ciyaaryahan juve ah’

Himilo – Xiddiga reer Wales Aaron Ramsey ayaa qirtay labadii sano ee la soo dhaafay inay ahaayeen ‘jahwareer’ laakiin wuxuu sheegay inuu ku laaban doono Turin wixii ka dambeeya Euro 2020. ‘Waxaan ahay laacib ka tirsan Juventus’.

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in Ramsey laga yaabo inuu ka sii jeedo xagaagan, madaama uu ku dhibtooday qancinta Allianz Stadium. Laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Wales ayaa huba inuu ku soo laaban doono Turin ka dib Koobka Qaramada Yurub.

“Haa, waxaan ahay ciyaaryahan Juventus ah,” Ramsey ayaa u sheegay Sky Sports.

30 jirkaan ayaa yimid Juventus bishii July 2019 laakiin waxa uu la dhibtoonayay dhaawacyo isdaba joog ah intii uu ku sugnaa Bianconeri.

Ramsey ayaa u sheegay Sky Sports: “Sida iska cad waxa ay ii aheyd xilli aad u jahwareersan aniga sanadihii ugu dambeeyay.

Waxaan soo qaatay dhaawacyo yar yar oo jahwareer ah oo niyad jab ah, mana awoodin inaan helo wax isdaba joog ah oo socda.

“Waa wax laga xumaado markii aad timaado naadi cusub waxaadna dooneysaa inaad dhulka ku dhufato oo aad qof walba tusto waxa aad awoodo inaad si joogto ah u sameyso.

“Taasi marwalba way adkaan doontaa marka aad leedahay dhaawacyadan yar yar ee dib kuu dhigaya dhowr toddobaad ka dibna laxanka iyo waxyaabaha la midka ah ayaa la joojiyay.

Ramsey ayaa haatan isku diyaarinaya Euro 2020 xulkiisa Wales, kuwaas oo ku jira Group A oo ay la leeyihiin Italy wuxuuna wajihi doonaa qaar ka mid ah asxaabtiisa Continassa bisha June 20.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan