Himilo – Raphael Varane ayaa la soo werinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu noqdo ciyaaryahan ka tirsan Manchester United kadib markii uu helay dal ku galkii uu ugu safri lahaa UK.
Red Devils ayaa ku dhawaaqday bishii la soo dhaafay inay la wareegidda laacibkan ku wada heshiiyeen kooxdiisa Real Madrid.
Si kastaba, Varane wuxuu helay dal ku galka oo uu culeys ka haystay, wuxuu u duulayaa Manchester halkaas oo uu ku mari doono tijaabada caafimaadka iyo 14 cisho oo karantiil ah.
Fabrizio Romano oo ah weriye ka faallooda la kala wareegidda ciyaartowda ayaa sheegaya inuu Varane saxiixi doono heshiis afar sano ah. Wuxuu intaa raaciyay inuusan ciyaari doonin kulanka ugu horreeya ee ay kooxdu la ciyaareyso Leeds United.
Raphael Varane ayaa Real Madrid ka tagaya 10 sano kadib isagoo la hantay saddex horyaal oo ah La Liga iyo afar horyaal oo Champions League ah.



