Home / Habka-Nolosha / RASMI: Everton oo lasoo wareegtay Daafacii Swansea City Ee Ashley Williams

RASMI: Everton oo lasoo wareegtay Daafacii Swansea City Ee Ashley Williams

Ashley Williams ayaa ugu biiray  Everton isagoo ka yimid  Swansea City.

Swansea City ayaa hore Everton uga diiday dalab 10 milyan oo gini ahaa basle lacagta ay hadda kula soo wareegtay ayaan la shaacin.

Daafacaan aha kabtanka xulka  Wales ayaa kubad sareysa kusoo bandhigay tartankii qaramada Yurub oo uu xulka qarankiisa Wales ka caawiyay in ay markii ugu horaysay taariikhdooda soo gaadhaan afar dhamaadka tartanka qaramada Yurub.

Kooxda Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa difaacii kooxda Swansea City ee Ashley Williams kaas oo ay kula soo wareegtay heshiis saddex sano ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan