Home / Cayaaro / Rasmi: Giroud oo Ku Biiray Milan

Rasmi: Giroud oo Ku Biiray Milan

Himilo – Weeraryahanka kooxda Chelsea Olivier Giroud ayaa dhameystiray ku biiristiisa kooxda AC Milan lacag aan la shaacin kadib seddex sano uu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge.

Weeraryahanka reer France ayaa Chelsea kaga soo biiray Arsenal lacag dhan £ 18m bishii Janaayo 2018.

Chelsea ayaa lasoo saxiixatay weeraryahanada Jarmalka Kai Havertz iyo Timo Werner xagaagii lasoo dhaafay, taasoo la micno aheyd in Giroud uu yareeyay waqtiga ciyaarta xilli ciyaareedka 2020-21.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 39 gool 119 kulan oo uu u saftay Blues wadar ahaan, isagoo kula guuleystay Champions League, Europa League iyo FA Cup.

Ciyaaryahankii ku guuleystay Koobka Adduunka, oo sidoo kale seddex FA Cup la qaaday Arsenal, ayaa kursiga keydka ka soo kacay kulankii France ee Euro 2020 ee ay guuldarada ka soo gaartay Switzerland wareega 16ka.

AC Milan ayaa 12 dhibcood ka hooseysay kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan oo ku guuleysatay Serie A xilli ciyaareedkii hore.

Weeraryahankan ayaa noqonaya 35 jir bisha Sebtember wuxuuna u duulay habeenimadii Khamiista isaga oo wata diyaarad qaas ah una kaxeystay garoonka diyaaradaha ee Linate Airport kana yimid Grenoble, tijaabooyin caafimaad ayuu maray jimcihii.

“AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa Olivier Jonathan Giroud oo si rasmi ah uga yimid Chelsea FC. Weeraryahanka reer France ayaa xiran doona maaliyada 9-aad, ”ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee Milan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan