Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska Leicester City ayaa ku guuleystay iney heshiis cusub ka saxiixdo macalinkeeda reer talyaani Claudio Renieri taasoo King Power kusii heyn karta tan iyo 2020.
Macalinkii hore Chelsea ayaa xilli cayaareedkiisii ugu horeeyay ku guuleystay horyaalka Premier League-ga iyadoo kooxda Foxes lagu neynaaso ay si mucjiso leh u qaaday horyaalka markii ugu horeysay 132-sano oo ay kooxdaan jirtay.
Madaxweyna ku xigaanka Leicester City Aiyawatt Srivaddhanaprabha ayaa yiri: “12-bilood ka hor waxaan keenay Leicester City macalin qibrad iyo aqoon leh, waxaan ku fakarnay inuu nagu hogaamin karo qorshaheena xiga ee aan ku fakareynay mudada dheer”
Ugu dambeyntiina Foxes ayaa kulankeeda ugu horeeya horyaalka Premier League-ga la ciyaari doonta Hull City Sabtida iyadoo bilaabi doonta difaacashadeeda horyaalka.