Home / Habka-Nolosha / RASMI:Claudio Bravo oo gaaray Manchester.

RASMI:Claudio Bravo oo gaaray Manchester.

Goolhayaha Barcelona Claudio Bravo ayaa ka degay goor dhaweyd garoonka magaalada Manchester ka hor inta uusan heshiis 17 milyan ginni ah ugu biirin kooxda Manchester City.

Goolhayahaan oo 33 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Sky Blues saacadaha soo socda isagoo saaka ka soo duulay Barcelona islamarkaana 48da saacadood ee soo socota si rasmi ah ugu biiri doona kooxda Pep Guardiola.

Bravo ayaa goolka Etihad Stadium ka bedeli doona goolhaye Joe Hart kaasoo mustaqbalkiisa Manchester City uu mugdi weyn ku jiro ka dib markii kursiga keydka la dhigay seddexdii kulan ee tartan rasmi aheyd ee ay ciyaareen Manchester City xilli ciyaareedkan.

Garoonka Manchester ayaa bogooda Twitter ku xaqiijiyay soo degista Claudio Bravo iyagoo sawiradaan soo dhigay bogooga.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku doortay Bravo awooda uu u leeyahay inuu kubada gadaal ka soo dhiso halka Joe Hart uu taasi ku liito islamarkaana uu qalqal muujiyo inta badan.

Waxaa dhanka Barcelona u dib maraya goolhayaha Ajax Jasper Cillessen kaasoo la filayo inuu heshiis 10 milyan ginni ah ugu wareego kooxda Catalan isagoo tartan la geli doona goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan