Home / Cayaaro / Real Madrid iyo Barcelona oo wada doonaya laacib u ciyaara Lyon.

Real Madrid iyo Barcelona oo wada doonaya laacib u ciyaara Lyon.

Real Madrid ayaa kula biirtay Barcelona tartanka loogu jiro saxiixa qadka dhexe ee kooxda Lyon Tanguy Ndombele sida ay sheegayaan wararka.

Xiddiga reer France ayaa ku soo billowday kooxda Faransiiska tan iyo markii uu kaga soo biiray Amiens 2017  iyadoo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa la oggaaday markii ugu horreysay ee xulka qaranka France uu u saftay.

Diario Sport ayaa soo xigtay war saxaafadeed ka soo baxay wargeyska reer  France ee Telefoot in Los Blancos ay la socdaan xaaladda ciyaaryahanka khadka dhexe,waxayna doonayaan inay kula biiraan kooxaha xiiseynaya.

Xilli ciyaareedkan, 21 jirkaan ayaa Lyon u ciyaaray 14 kulan oo Ligue 1 Faransiiska ah, shan kulan waxa uu dheelay wareegga group-yada Champions League, laacibkaan ayaa dhaliyay labo gool wuxuuna sameeyay afar caawin.

Kooxda Barcelona ayaa xiddigaan wakhti hore ka dhigatay dooqeeda koowaad kaasi oo ay u arkaan inay ku bedeli karaan laacibiinta ay raacdada dheer ugu jirtay sida Adrien Rabiot and Frenkie de Jong.

Qandaraaska Ndombele ee kooxda Lyon ayaa dhacaya 2023-ka, naadiga reer France ayaa dooneysa in aysan ku iibinin wax ka yar € 60m.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan