Home / Cayaaro / Real Madrid iyo Man Utd oo ku dagaalamaya xiddiga ka ciyaara Premier League

Real Madrid iyo Man Utd oo ku dagaalamaya xiddiga ka ciyaara Premier League

Himilo – Real Madrid iyo Manchester United ayaa isha ku haya inay safkooda kusoo daraan xiddig khadka dhexe oo daafaca ka ciyaara.

Sida laga soo xigtay shabakadda Isbaanishka ee Fichajes, labada kooxba waxay il gaar ah ku hayaan laacibka kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa soo jiitay indhaha kooxo waa weyn oo reer Yurub ah xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay.

Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Premier League ee 2017, Wilfred Ndidi wuxuu isku muujiyay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe daafaca ee ugu fiican.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan