Home / Cayaaro / Real Madrid oo 200 milyan ku dooneysa Kylian Mbappe

Real Madrid oo 200 milyan ku dooneysa Kylian Mbappe

Himilo – Real Madrid ayaa isu diyarineysa in adduun lacageed dhan £200milyan kusoo qaataan xiddiga  Paris Saint-Germain weerarka ugu ciyaara ee Kylian Mbappe.

Ku guuleystaha koobka adduunka waxa qandaraaskiisa uu kooxda ku joogayo kaga haray 18 bilood, inkastoo agaasimaha ciyaaraha uu ku adkeysanayo in laacibku aan naadiga laga beecin doonin.

Sida ay ku warrameyso  AS,  Real ayaa muddo dheer lala xiriirinayay xiddigan inkastoo hadda ay soo gudbiyeen qiimo dhan £200milyan.

Los Blancos  ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay iibinta lix ciyaaryahan si lacagaha kaga soo xarooda iibkooda ku kabaan lacagaha ay ku doonayaan 22-jirkaan, kaasi oo sidoo kale lala xiriirinayo Liverpool.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan