Home / Cayaaro / Real Madrid oo Barcelona kaga horreysa tartanka Kylian Mbappe

Real Madrid oo Barcelona kaga horreysa tartanka Kylian Mbappe

Himilo – Mustaqbalka weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe waxa uu ahaa mowduudc taagan muddooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo ay jireen hadallo badan oo ku aadan in laacibkan xagaaga soo aadan uu naadiga ka tegayo.

Kylian Mbappé ayaa kulankiisii ugu horreeyay oo heer caalami ah soo muuqday sannadkii 2015 xilligaasi oo ay da’diisu aheyd 16 una ciyaarayay AS Monaco. Waxa uu awood u yeeshay ku guuleysiga horyaalka Ligue 1, xiddiga ugu yar sannadka Ligue 1 iyo abaalmarinta wiilka dahabiga.

Sannadkii 2017, Kylian Mbappe waxa uu la saxiixday Paris Saint-Germain heshiis amaah ah isaga oo si joogta ah ugu biiray 2018 adduun lacageed dhan €180 million, wakhtigaasi oo uu  noqday laacibka labaad ee qaalisan dunida.

Kylian Mbappé waxa uu ku hoggaamiyay seddex jeer PSG horyaalka Ligue 1, laba koob oo Coupe de France iyo abaal marino shaqsiyadeed.

21-jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinyay u dhaqaaqitaanka kooxda Real Madrid, si uu ugu garab ciyaaro macallinka reer France ee Zinedine Zidane.

Paris Saint-Germain waxay laacibkan ku iibin doonaan adduun dhan £150 million, inkasta oo aan la ogeyn qiimahan haddii ay aqbali doonto Real Madrid.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan