Himilo – Real Madrid ayaa ku qasbanaan doonto inay dheesho la’aanta ciyaaryahanka khadka dhexe Federico Valverde lugta hore ee wareega 8da Champions League ee ay la leeyihiin Liverpool.
Xiddiga reer Uruguay ayay dhaawacyo la soo darseen, lakiin ka dib markii uu u muuqday mid ka soo kabanaya dhibaatadii muruqa ee ugu dambeysay, wuxuu ciyaaray 90ka daqiiqo kulankii ay Sabtidii guusha ka gaareen Celta Vigo.
Si kastaba, Marca ayaa warinaysa in Valverde uu haatan waxoogaa raaxo daro ah kala kulmay lugtiisa hoose, dhaawacaasna ay suuragal tahay inuu garoomada ka maqnaado toddobaadyada soo socda.
Natiijo ahaan, kaqeyb galka 22-sano jirkaan ee kulanka Liverpool 6-da April shaki ayaa ku jira, laakiin Zinedine Zidane wuxuu awoodi doonaa inuu dib u soo dhaweeyo Casemiro, kaasoo ganaax ku seegay kulankii lugta labaad ee Atalanta.
Haddii Valverde loo ogolaado inuu ciyaaro oo uu qaato jaale, waxaa lagu qasbi doonaa inuu seego lugta labaad, halka daafaca bidix Ferland Mendy uu sidoo kale hal jaale u jiro ganaax.
Valverde ayaa dhaliyay seddex gool iyo hal caawin 25 kulan oo uu u saftay Los Blancos tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin kaliya 10 kulan ayuu kusoo bilowday line-upka La Liga.