Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo guul ku bilowday La Ligaha.

Real Madrid oo guul ku bilowday La Ligaha.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedka cusub ee La Liga guul ku furtay iyada oo 3:0 ku soo garaacday kooxda Real Sociedad oo ay marti u ahayd.

Real Madrid ayaa inta ugu badan kubadda haysatay  qaybta hore ee kulankan iyada oo soo badhigtay qaab ciyaareed fiican oo ayna Real Sociedad iska caabin karin.

Inkasta oo ay Real Madrid ka maqnaayeen ciyaartoy muhiim ahi haddana Zidane ayaa markasta aaminsan in uu guul ku gaadhi karo ciyaartoyda uu haysto.

Daqiiqadi 2aad Madrid ayaa markiiba wadnaha goysay kooxda martida loo ahaa ee Real Sociedad kadib markii uu Gareth Bale ka dhaliyay goolka furitaanka Los Blancos isaga oo gool madax ah ku dhaliyay goolka xili ciyaareedka cusub ugu horeeyay ee ay Real Madrid ka dhaliso La Ligaha, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0

Kubbad uu si fiican u soo qaaday Daniel Carvajal ayuu Bale si fiican uga dhex booday difaacyada La Real wuxuuna si la mid ah xili ciyaareedkii hore uu isticmaalay saamaynta darbooyinka madaxa ah isaga oo goolhaye Rulli u diiday wax badbaadin ah.

Daqiiqadii 40aad, Real Madrid ayaa heshay goolkeeda laabad da’yarka  Marco Asensio oo amaah dib ugaga soo laabtay kooxda Espanyol ayaa Real Madrid goolkiisii ugu horeeyay ee La Ligaha ugu dhaliyay waxaana layaablahayd qaabka uu kubbada uu maamulay iyo farsamada cajiibka ahayd ee uu goolkan ku dhaliyay wuxuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Madrid hogaanka ku dheeraystay.

Marco Asensio ayaa goolkan ku dhaliyay qaabkii uu caanka ku ahaa Raul Gonzalez waxaana da’yarkan lagu tilmaami karaa Rual-ka cusub ee Real Madrid u soo baxay, waxaana la xusuustaa quruxda goolkii uu ka dhaliyay kulankii UEFA Super Cupka.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku haysay .

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba ku bilawdeen qaab xamaasad leh iyada oo Real Sociedad doonaysay in ay ciyaarta dib ugu soo laabto. Iyadoo  fursado fiican abuurtay waxayna bilawgii qaybta hore ay ku dooday in rekoodhe ay heshay kadib markii Illarra uu cadaadis kala kulmay difaaca Madrid laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin.

Real Sociedad ayaa dagaal ugu jirtay sidii ay shabaqa Real Madrid u gaadhi lahayd balse kubbada ay soo dhisaan ayaa ku burburaysay cidhifka xerada ganaaxa Real Madrid.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan