Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo hamuun u qabta saxiixa Paulo Dybala

Real Madrid oo hamuun u qabta saxiixa Paulo Dybala

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa indhaha ku heysa saxiixa da’yarka qaranka Arjantiin Paulo Dybala oo metela kooxda shantii sano oo u danbeysay ka boqraneyd Serie-A  ee Juventus.

Madaxa fulinta kooxda Juventus  Giuseppe Marotta ayaa gaashaanka u daruuray dhowaan inaysan kooxdu aqbali doonin dalab walba oo u yimaad da’yarkaan weerarka ka dheela.

19 gool oo Serie-A ah ayuu shabaqa dhex dhigay Dybala xilli cayaareedkaan, isagoo kulammo badan dhaawac ku seegay oo garoomada faarujiyay in muddo ah, waana sababta ay kooxo badan usoo hunguriyeeyeen.

El Chiringuito ayaa ku warameysa in kooxda kubadda cagta Real Madrid ay ka go’an tahay sidii ay wiilkan ula soo saxiixan laheyd marka suuqa kala iibsiga la furo.

Madaxda Real Madrid ayay farxad gelin doontaa haddii 22 jirkaan uu kusoo biiro, maadaama ay u barteen in ugu yaraan xiddig magac leh ay kooxda kusoo biiriyaan xagaa walba.

Juventus wiilka bishii June ayay ku qarash gareysay £28 Milyan, haddii Los Blancos ay lasoo saxiixatana waxay ku qasbanaan doontaa lacag intaa ka badan inay ku bixiso.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan