Real Madrid oo isha ku heysa Raheem Sterling

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay isha ku heyso xaaladda Manchester City laacibkeeda Raheem Sterling.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa ahaa laacib aan in badan la isticmaalin taasi oo ka dhigan in hoggaanka Man City aysan ku faraxsaneyn xaaladda xiddigan.

Sida ay ku warrameyso Daily Star, Real Madrid ayaa diyaarineyso suuragal waliba oo ka dhigi karto in ay gacanta kusoo dhigaan laacibkan oo uu heshiiskiisa kooxda ku egyahay sannadka 2023.

error: Copy lama Ogola Fadlan