Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo iska xaadirisay afar dhammaadka Champions League

Real Madrid oo iska xaadirisay afar dhammaadka Champions League

Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo qabtay guuldarro 2-0 ah lugtii koowaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League ayaa xalay gegada Bernabue ku soo dhoweysay dhigeeda Wolfsburg.

Kulanka oo ay u soo daawasho tageen 76,684 taageere waxay Real Madrid dooneysay in qeybta hore ay cayaarta ku soo laabato si ay u soo barbareyso goolasha ku maqan.

Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa gaaray daqiiqaddii 16aad kaddib markuu ka faa’ideystay kubbad uu geeska midgeed ka soo duubay Carvajal oo daafacyada kooxda reer Jarmal ay sii deysteen.

Daqiiqad kaddib gees ka laad uu soo xooray Toni Kroos waxaa madaxa la helay Cristiano Ronaldo, oo cayaarta ka dhigay 2-0, sidoo kale celcelis ahaan labada kulan ka dhigay 2-2.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay Real oo cayaarta ku soo laabatay hogaankana heysa, walow fursad cajiib ah laga badbaadiyay Luis Gustavo oo kubbad gantaal aheyd shabaqa la beegsaday.

Daqiiqaddii 77aad Ronaldo ayaa cayaarta soo geba gabeeyay markii loo dhigay laad furan, si qurux badan ayuuna laadkii xorta ahaa gool ugu rogay si uu u dhameystiro saddexleydiisa.

Cayaarta ayaana ku dhamaatay 3-0 oo ka dhigan in celcelis ahaan wareega xiga ay Real Madrid kaga soo baxday Wolfsburg 3-2.

Waa markii lixaad oo xiriir ah oo kooxda Los Blancos ay ugu yaraan gaareyso wareega afar dhammaadka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan