Home / Cayaaro / Real Madrid oo jirta xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa taniyo 1968

Real Madrid oo jirta xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa taniyo 1968

Himilo – Real Madrid ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa muddo 54 sano ah kadib markii ay 2-1 kaga badisay Atletico Madrid kulankii Axada ee horyaalka La Liga Madrid ee ka dhacay Wanda Metropolitano.

Inkasta oo uu dhaawac ku maqnaa xiddigeeda Karim Benzema, Carlo Ancelotti waxa uu aaminay Rodrygo, kaas oo kubad baas ah ka helay Aurelien Tchouameni daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta.

Tan iyo markii ay garaaceen Eintracht Frankfurt tartanka UEFA Super Cup, waxaa u socda guulo ay ka gaareen Atletico, Almeria, Celta Vigo, Espanyol, Real Betis iyo Mallorca.

Kooxda Ancelotti ayaa dib u soo ceshatay hogaanka labada dhibcood ee Barcelona oo ay ku hogaaminayso horyaalka La Liga, waxayna sidoo kale bilawday difaacashada koobka horyaalada yurub kadib markii ay guulo xidhiidh ah ka gaadheen Celtic iyo RB Leipzig oo ku wada jira Group F.

Los Blancos ayaa ku soo laaban doonta kulanka Osasuna 2-da October kadib fasaxa caalamiga ah ka hor inta ayna marti galin kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka tirsan champions League saddex maalmood kadib.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan