Real Madrid oo jirta xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa taniyo 1968

Himilo – Real Madrid ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa muddo 54 sano ah kadib markii ay 2-1 kaga badisay Atletico Madrid kulankii Axada ee horyaalka La Liga Madrid ee ka dhacay Wanda Metropolitano.

Inkasta oo uu dhaawac ku maqnaa xiddigeeda Karim Benzema, Carlo Ancelotti waxa uu aaminay Rodrygo, kaas oo kubad baas ah ka helay Aurelien Tchouameni daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta.

Tan iyo markii ay garaaceen Eintracht Frankfurt tartanka UEFA Super Cup, waxaa u socda guulo ay ka gaareen Atletico, Almeria, Celta Vigo, Espanyol, Real Betis iyo Mallorca.

Kooxda Ancelotti ayaa dib u soo ceshatay hogaanka labada dhibcood ee Barcelona oo ay ku hogaaminayso horyaalka La Liga, waxayna sidoo kale bilawday difaacashada koobka horyaalada yurub kadib markii ay guulo xidhiidh ah ka gaadheen Celtic iyo RB Leipzig oo ku wada jira Group F.

Los Blancos ayaa ku soo laaban doonta kulanka Osasuna 2-da October kadib fasaxa caalamiga ah ka hor inta ayna marti galin kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka tirsan champions League saddex maalmood kadib.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan