Himilo – Real Madrid ayaa la werinayaa in ay ku kalsoon tahay la saxiixashada laacibka Paris Saint-Germain weerarka ugu ciyaara Kylian Mbappe, kaasi oo ay ku doonayaan qiimo dhan €180 milyan Yuuro oo u dhiganta (£161m) marka la gaaro xagaaga soo aadan.
21 sanno jirkaan ayaa dhaliyay 97 gool iyo 58 caawin 132 ciyaarood oo uu u saftay PSG kaddib markii uu ka yimid Monaco, oo ay ku jirto todobo gool iyo todobo caawin oo uu sameeyay fasalkan siddeed kulan oo uu dheelay.
Madrid ayaa la aaminsan yahay in Mbappe uu qeyb libaax leh ka ciyaari doono dib u dhiska naadiga lagu sameynayo, laacibkaan ayaa si weyn loola xiriirinayay Liverpool.
Laacibka ku guuleystay koobka adduunka ayaa heshiis la galay kooxda Tuchel kaasi oo ku eg June sannadka 2022. AS, ayaa werineysa in Madrid ku kalsoon tahay in ay kula saxiixdaan lacag dhan €180 milyan oo Yuuro oo u dhiganta £161 milyan oo gini.