Home / Cayaaro / Real Madrid oo Man United’ ugu yaboohaysa £ 42m oo lagu daray Vinicius Junior

Real Madrid oo Man United’ ugu yaboohaysa £ 42m oo lagu daray Vinicius Junior

Himilo – Real Madrid ayaa isku diyaarineyso inay u soo bandhigto Manchester United 42 milyan ginni iyo weeraryahanka reer Brazil Vinicius Junior iyagoo rajo ka qaba inay la soo wareegaan Paul Pogba inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Los Blancos ayaa si xoogan loola xiriirinayay Pogba intii lagu jiray xagaagii laakiin ma aysan u helin wax heshiis ah oo ay kula soo wareegayaan xiddiga heerka caalami ee dalka France.

Kooxda reer Spain ayaa weli lagu qiimeeyaa xiisaha, inkastoo, sida laga soo xigtay El Desmarque, kooxda Zinedine Zidane ayaa qiimeyneysa dalab ka hor furitaanka bisha soo socota.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Madrid ay soo bandhigi doonto £ 42m oo lagu daray Vinicius, kaasoo keliya hal gool dhaliyay midkalana  caawiye ka noqday 11 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan caasimada xilli ciyaareedka 2019-20.

19 jirkan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigay kooxda Zidane xilli ciyaareedkii hore, inkastoo uu shabaqa soo taabtay 7 jeer, marka lagu daro inuu 13 caawiyay intii lagu jiray ololihiisa koowaad ee kooxda.

Pogba ayaan dhanka United u jeedin tan iyo dhamaadkii Sebtember sababo la xiriira dhaawac anqowga ah.

Kooxda Juventus ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inay u dhaqaaqdo ku guuleystaha Koobka Aduunka 2018, inkasta oo Madrid ay u muuqato inay wali yihiin kuwa ugu cad-cad inay dhammaystiraan heshiiska 2020.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan