Himilo FM –Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diidan tahay inay ku iibiso Raphael Varane xagaaga suuqa kala iibsiga qiimo aan ka yareyn 429 milyan oo ginni.
Manchester United ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer France toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo lagu soo waramayo in laacibkan uu doonayo inuu ka tago caasimadda Spain.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay shabakadda Goal.com, Los Blancos ayaa diidi doonta inay iska iibiso xiddiga ku guuleystay koobka adduunka 2018.
Varane ayaa 268 kulan u saftay Madrid tan iyo 2011-kii isaga oo ka yimid Lens, waxa uu ku guuleystay labo horyaal, hal Copa del Rey iyo afar Champions League intii uu joogay kooxda.
Qandaraaska daafaca dhexe waxa uu dhacayaa xagaaga 2023.