Home / Cayaaro / Real Madrid oo si dhaw isha ugu haysa xiddiga Bayern Munich Alphonso Davies

Real Madrid oo si dhaw isha ugu haysa xiddiga Bayern Munich Alphonso Davies

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay isha la raaceyso xiddiga Bayern Munich ee Alphonso Davies kaas oo loo arko inuu yahay saxiix muhiim u ah  mustaqbalka  horyaalada Yurub.

21-sano jirkaan ayaa Bayern kaga soo biiray Vancouver Whitecaps 2018, wuxuu noqday mid ka mid ah daafacyada bidix ee hogaaminaya kubada cagta adduunka.

Xiddigan ayaa kooxdiisa u saftay 127 jeer. Wuxuu ku guuleysay inuu dhaliyo shan gool halka uu caawiyay 21 gool oo kale.

Davies ayaa ku guuleystay afar horyaal oo Bundesliga ah, labo koob oo DFB-Pokal ah iyo Champions League intii uu joogay kooxda, waxaana weli qandaraaskiisa uga harsan saddex sano.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca, Real Madrid ayaa si dhow isha ugu heysa ciyaaryahanka reer Canada, iyadoo kooxda La Liga ay dooneyso inay keento Bernabeu marxalad ka mid ah mustaqbalka.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan