Himilo – Real Madrid ayaa la werinayaa in ay u dhaqaaqayaan weeraryahanka sida cajiibka ugu ciyaaraya Borussia Dortmund ee Erling Haaland. Los Blancos ayaa qorsheeneysa in ay billowdo dalabka weeraryahanka xagaaga 2022 laakiin waxa ay wajihi doonaan tartan kaga imaanaya Juventus.
Erling Haaland waa mid kamid ah weerayahannada ugu wanaagsan qaaradda Yurub wakhti xaadirkan. Haaland ayaa xirfaddiisa ciyaareed ka bilaabay Bryne, sannadkii 2016, kaddib sannadkii xigay waxa uu u dhaqaaqay Molde isaga oo halkaasi ku qarash garreeyay laba sano, kahor inta uusan la saxiixan naadiga reer Austrian ee Red Bull Salzburg bishii January 2019.
Fasalkii 2019–20 ee UEFA Champions League, ayuu Erling Haaland noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool dhaliya shan kulan oo xiriir ah UEFA Champions League.
Bishii December 2019, Haaland ayaa si rasmi ugu biiray Borussia Dortmund markaasi oo lagu soo qaatay lacag dhan €20 million. Waxa uu sii joogteeyay dhalinta goolasha Champions League, isaga oo noqday da’yarkii labaad ee 10 gool ka dhaliya tartankan.