Home / Cayaaro / Real Madrid oo weli doonaysa Donny van de Beek

Real Madrid oo weli doonaysa Donny van de Beek

Himilo – Xiddiga khadka dhexe ee Ajax Donny van de Beek ayaa  weli ku jiro liiska suuqa kala iibsiga ee Real Madrid xagaagan.

22-sano jirkan ayaa dhaliyay 17 gool wuxuuna caawiyay 13 gool  57 kulan oo uu u saftay Ajax xilli ciyaareedkii hore xilli kooxda reer Holland ay ku guuleysatay horyaal iyo koobab kale, marka lagu daro in ay gaareen semi-finalka Champions League.

Madrid ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayso xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands horaantii xagaagan, laakiin waxaa loo maleynayay inay mudnaanta siiyeen xidiga Manchester United Paul Pogba.

Sida laga soo xigtay De Telegraaf, Madrid waligood hoos uma aysan dhigin xiisihii ay u qabeen Van de Beek waxayna u dhaqaaqi doonaan ninka reer Dutch haddii uusan Pogba imaanin Bernabeu ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Eden Hazard, Luka Jovic, Eder Militao, Ferland Mendy iyo Rodrygo ayaa dhamaantood xagaagan kusoo biiray kooxda Zinedine Zidane.

Los Blancos ayaa ku dhibtootay kulamadii ay ciyaartay  intii lagu jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka, walow ay si lama filaan ah  guuldarro 7-3 kala kulantay kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid dhamaadka bishii hore.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan