Himilo- Real Madrid ayaa la tilmaamayaa inay xiiseynayso saxiixa ciyaaryahanka Sadio Mane iyadoo la sameysay xiriirkii ugu horeeyay wakiilada ciyaaryahanka.
Kooxda ka dhisan Spain ayaa loo badinayaa inay iibin doonto ciyaaryahanada Gareth Bale iyo James Rodriguez dhammaadka xilli ciyaareedkan xilli tababare Zinedine Zidane uu doonayay in uu xoojiyo weerarkiisa.
Karim Benzema ayaa noqday keliya weeraryahanka Santiago Bernabeu ee si joogta ah u dhaliya goolal. Waxa uu leeyahay 12 gool oo La Liga ah halka ciyaaryahanada Bale, Rodriguez, Eden Hazard, Vinicius Jr, Luka Jovic iyo Rodrygo ku guuldareysteen inay inka badan labo jeer soo taabtaan shabaqa.
Zidane ayaa u arka ciyaaryahanka reer Senegal, Mane mid xal u noqon kara dhibaatooyinka Real Madrid inkastoo Liverpool aysan dooneyn inay iibiso ciyaaryahanka oo kamid ah tiirarka kooxda.