Real Madrid Iyo Sevilla ayaa isku wajahi doona Trondhein iyadoo la xasuusto in labadaan kooxood ay isku fara saareen finalkii UEFA Super Cup ee 2014 ka dhacay Cardiff markaas oo ay Madrid si nadiif ah koobkii ku hanatay.
Sevilla kama baaqan iney sadexii sano ee ugu dambeysay soo tiigsato Finalka tartankaan madama ay si xiriir ah ugu guuleysatay koobka UEFA Super Cup oo ay ka noqotay kooxda mar walba hanata.
Jorgen Sampaoli ayaa kulankiisii ugu horeeyay oo tartan caalami ah hogaamin doona Sevilla iyadoo Unai Emery uu u guuray Paris Saint Germain, sidoo kale Zidane ayaa rajeynaya inuu noqdo shaqsigii shanaad ee isagoo ciyaartoy ah iyo isagoo tababare ah ku guuleysta koobka UEFA Super Cup.
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:
Sevilla ayaa tabi doonta sadex ka mid ah ciyaartoydii ugu muhiimsaneed guulahoodii xagaagii lasoo dhaafay waana Krychowiak, Gameiro Iyo Banega kuwaas oo kooxda isaga tagay.
Ciyaartoyda cusub ee kooxda Matias Kranevitter, Luciano Vietto, Joaquin Correa, Hiroshi Kiyotake Iyo weeraryahankii hore Toulouse Wissam Ben Yedder ayaa dhamaantood rajeynaya iney qeyb ka noqdaan kulanka caawa.
Dhanka kale Real Madrid caawa waxey weynysaa ciyaartoy badan oo ay ka mid yahiin: BBC , Kroos,iyo Navas.
weerarka ayaasa laga filayaa ciyaartoyda da’da yar ee Lucas Vazquez Iyo Alvaro Morata kuwaas oo ah cududda ugu weyn ee Zidane uu adeegsan karo dhanka weerarka.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labadaan kooxood 177-jeer ayey kulmeen taariikha, Real Madrid ayaana guulo badan oo 94-jeer guul gaartay halka Sevilla ay guul gaartay 54-jeer halka 29-jeer ay barbaro galeen.
Waa markii shanaad oo ay labadaan kooxood imaanayaan Finalkaan, waxaana ka badan Barcelona (9), Ac Milan (7) Iyo Liverpool (5).
Cristiano Ronaldo ayaa 22-gool ka dhaliyay Sevilla waana kooxda ugu badan oo uu goolal ka dhaliyay waayahiisa waxaana ka mid ah Shan Sadexley (Hat-trick).
Zinedine Zidane ayaa ku guuleystay koobkaan isagoo ciyaariyahan ah sanadkii 2002 isagoo ka tirsan Madrid waxeyna markaas ka qaadeen koobka Feynoord.
Zidane ayaa noqon kara shaqsigii shanaad ee isagoo ciyaariyahan ah iyo isagoo tababare ah ku guuleysta koobka UEFA Super Cup, waxaana uga horeeyay Josep Guardiola, Carlo Ancelotti, Diego Simeone and Luis Enrique kuwaas oo tartankaan ku guuleystay shantii sano ee lasoo dhaafay.
Real Madrid ayaa guul gaartay 10-jeer, 19-jeer oo ay kooxaha Spain ku wajahday tartamada yurub, 5-barbaro iyo 4-guuldaro.
Sevilla ayaa badisay 7-jeer, 18-jeer oo ay kooxaha Spain ku wajahday tartamada yurub, 3-barbaro iyo 8-guuldaro.
Ronaldo Iyo Pepe ayaa noqon kara ciyaartoydii ugu horeysay ee sanad gudaheed ku wada guuleysta Champions League, UEFA Super Cup & European Championship (Euro 2016).
Roberto Carlos ayaa sameeyay taariikh fiican 2002 markii uu halkaas sano ku wada guuleystay Champions League, UEFA Super Cup & World Cup 2002.
Kulanka: Real Madrid vs Sevilla
Tartanka: UEFA Super Cup (FINAL)
Garoonka: Lerkendal Stadion (Norway)
Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
Garsoore: Milorad Mazic (Serbia)