Muqdisho – Real Madrid ayaa indhaha la raacaysa isku daynimada ah soo xera-gelinta xidigga 20-jirka ah Delle Alli ee u dheela kooxda Tottenham, sida ay ku waramayso the Mirror.
Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid ayaa la sheegayaa inay indhaha la raacayso weeraryahanka da’da yar oo ay mar hore wada-hadal la yeelatay kooxda Spurs oo ku aadan inay is-dhaafsadaan Luka Mordic iyo Delle.
In-kasta oo Madridku ay hakiyeen amaahda ee suuqa kala iibsiga ee bishan, hadana waxay sara u qaadaysa mushaharkiisa toddobaadlaha ee isbuuciiba ku kacaya adduun gaaraya £60,000 haddii uu kusoo biiro.
Iyada oo Mauricio Pochettino uu sheeganayo in laacibkani u qalmo adduun gaaraya in ka badan £50 million, hadana xiddiga caalamiga ah ee xulka England ayaan si raqiis ah ku imaan doonin.