Home / Cayaaro / Real Sociedad oo xiiseyneysa daafac ka tirsan kooxda Arsenal

Real Sociedad oo xiiseyneysa daafac ka tirsan kooxda Arsenal

Himilo – Real Sociedad ayaa xiiseyneysa inay daafaca Arsenal Nacho Monreal ku soo celiso xagaagan La Liga.

Sida ay sheegayaan wararka ka soo baxa Catalan  gaar ahaan wargayska Mundo Deportivo, daafaca khibrada leh ayaa diirada u saaran kooxda Basque ka hor xilli ciyaareedka 2019-20 La Liga.

33 jirka ayaa qandaraaskiisa garoonka Emirates Stadium  dhacayaa dhamaadka ololaha 2019-20, waxaana ay u badan tahay inuu heli doonin fursadihiisii ​​ugu horeysay ee kooxda ka dib imaanshiyaha ciyaaryahanka reer Scotland Kieran Tierney.

Real Sociedad waxay wadaajin  jirtay daafaca bidix xilli ciyaareedkii hore Theo Hernandez iyo Kevin Rodrigues, iyadoo Theo uu ku laabtay Real Madrid ka dib amaahdii uu ku joogay Anoeta – oo uu kusii jihaystay haatan AC Milan .

Mushaharka Monreal wuxuu noqon karaa arin caqabad ku noqota , laakiin Real Sociedad waxay ku rajo weyn yihiin in ay u ballan qaadki karaan in door weyn oo kooxda 1aad ah u ciyaaro hadii uu ka dhaadhiciyo inuu ka tago Waqooyiga London, ka dib lix sano iyo bar oo uu la joogay Arsenal.

Xiddiga reer Spain ayaa in ka badan 200 kulan u saftay intii uu u ciyaarayay Osasuna iyo Malaga intii u dhaxeysay 2006 iyo 2013.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan