Home / Cayaaro / Reece James oo laga saaray xulka England ee ka qeyb galaya koobka adduunka

Reece James oo laga saaray xulka England ee ka qeyb galaya koobka adduunka

Himilo – Daafaca kooxda Chelsea Reece James ayaa lagu soo warramayaa in loo sheegay inuusan ka mid noqon doonin xulka England ee ka qeyb galaya koobka aduunka 2022.

22-sano jirkaan ayaa hubanti ahaa in lagu magacaabi doono xaflada safarka ee Qatar ka hor inta uusan dhaawac jilibka ah kasoo gaarin kulankii AC Milan ee Champions League 10kii October.

James ayaa dhawaan sheegay in uu shaqayn doono ilaa wakhtiga ugu dambeeya si uu ugu diyaar garoobo tartanka isaga oo kor u qaaday soo kabashadiisa tan iyo dhamaadkii October.

“Waa dhaawac qaadan kara waqti dheer, wuxuuna ku soo beegmay xilli aan fiicneyn, laakiin waxaan isku dayayaa sida ugu fiican, ma hubo inta uu dhaawacani qaadan doono,” ayuu u sheegay wargeyska The Sun.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sky Sports News, Tababaraha Three Lions Gareth Southgate ayaa u sheegay James Talaadadii in daafaca midig uusan ku jiri doonin kooxda ugu dambeysa.

Walker iyo Phillips ayaa la rumeysan yahay inay heystaan fursad xooggan oo lagu magacaabi karo kooxda, inkastoo kan dambe aysan u badneyn inuu ku soo bilowdo kulanka sababtoo ah kubad la’aantiisa xilli ciyaareedkan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan