Home / Cayaaro / Ribery oo go’aansan gaari doono dhamaadka usbuucan

Ribery oo go’aansan gaari doono dhamaadka usbuucan

Himilo – Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Fiorentina Franck Ribery ayaa jimcihii la kulmay tababare Gennaro Gattuso waxaa lagu soo warramayaa in uu go, aamin doono mustaqbalkiisa bartamaha todobaadka dambe.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa ku laabtay Jarmalka wuxuuna ka guuray gurigiisa ku yaal Florence, maadaama qandaraaskii kirada uu dhacay.

Ribery heshiiskiisa Artemio Franchi wuxuu dhacayaa xagaagan Tuttomercatoweb wuxuu soo wariyay 38 jirkaan inuu umuuqdo mid mustaqbal u leh meelo kale.

Laakiin xiddigii hore ee Bayern Munich ayaa si cad u sheegay in uu diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda waxaana uu la kulmay Gattuso todobaadkan si uu ugu cadeeyo doorka uu kaga hoos ciyaari doono tababarihii hore ee kooxaha Napoli iyo Milan.

Warbixinta ayaa muujineysa halyeeyga iyo tababaraha cusub ay wada sheekeysi dheer ka yeesheen mashruuca Fiorentina, laakiin ma gaarin gabagabo.

Ribery, oo ciyaaray 29 jeer Serie A xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoo gacan ka geystay labo gool iyo 7 caawin, ayaa la filayaa inuu go’aan gaaro Arbacada.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan