Home / Macluumaad / Rinjiile Britain u dhashay oo shaqo ugu yaboohay dawarsade shillimaad weydiistay
MEN SYNDICATIONnA homeless man was given a job for the day in a random act of kindness by a group of painters on Cooperas Street in the Northern Quarter in Manchester

Rinjiile Britain u dhashay oo shaqo ugu yaboohay dawarsade shillimaad weydiistay

MEN SYNDICATIONnA homeless man was given a job for the day in a random act of kindness by a group of painters on Cooperas Street in the Northern Quarter in Manchester

Ninkan hoy la’aanta ahaa ayaa si asluubeysan u weydiistay Rinjiile inuu siiyo lacag yar oo jajab ah.

Darren Wheatcroft oo ah rinjiilaha loogu yimid isagoo shaqeynaya ayaa ku wargeliyay ninkii dawarsanayay inaanu wax lacag ah heyn, hayeeshee dhacdo layaab ah ayaa timid markii uu ugu yaboohay bedelkii shilimaadka inuu shaqo geliyo.

Arrintan ayaa ka dhacday waddada Copperas ee magaaladda Manchester, iyadoo koox rinjiileyaal ah ay bareen ninkan dharka madow xiran ee qeybta bidix ee sawirka ka muuqda qaabka uu wax u rinjiyeyn lahaa iyo naqshadaha isticmaalkooda uu u baahan yahay si uu u shaqo galo oo dhididkiisa u quuto.

MEN SYNDICATIONnA homeless man was given a job for the day in a random act of kindness by a group of painters on Cooperas Street in the Northern Quarter in Manchester

Darren ayaa goortii hore hubiyay in ninkan uu diyaar u yahay inuu shaqeysto, la tashi uu saaxiibadii la sameeyay iyo xaqiijin in shaqsigan la caawinayo aanu sarqaan saneyn ayaa sahashay in si fudud ay ku shaqo geliyaan.

Ninka ayaa aad u faraxsanaa, waanuu ku raaxeysanayay shaqadiisa cusub iyo nolosha curtunka ah.

Intii uu howl maalmeedka waday si caadi ah ayuu ula sheekeysanayay rinjiileyaasha kale ee shaqada kula jiray iyo dadkii marayay hareeraha ee ku yiqiin inuu ahaa ruux nolosha ka dhacay, isagoo helay fursad uu ku muujiyo inuu yahay shaqsi wax kordhin kara.

Xigasho: Manchester Evening News

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan