Riyad Mahrez oo beeniyay inuu ku biirayo PSG

Himilo – Garabka xulka qaranka Algeria ayaa gaashaanka ku dhuftay warar ay baahisay warbaahinta Faransiiska oo sheegayay iney suuragal tahay inuu ku biiro kooxda PSG ee dalka France, inkastoo qandaraaskiisa Etihad Stadium dhacayo sannadka 2023.

Mar uu Mahrez wareysi siiyay warsidaha France ee Canal+ ayuu yiri, “Paris waa magaaladeyda, wakhti xaadirkaan waxaan heshiis kula jiraa Manchester City, laakiin ma jiraan inaan albaabada furay, haddii PSG ay dooneyso, waan ka fikiri doonaa”.

Mahrez ayaa wakhti loo riyaaqay kusoo qaatay kooxda Leicester oo uu kaga soo biiray Le Havre bishii January 2014.

Laacibka Algeria ayaa door muhiim ah ku lahaa guulihii Foxes ee Premier League xilli ciyaareedkii 2015-16, isaga oo markii danbe u dhaqaaqay Man City. Mahrez ayaa dhaliyay 48 gool isaga oo caawiyay 38 gool 179 kulan oo uu u saftay.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan