Himilo – Garabka xulka qaranka Algeria ayaa gaashaanka ku dhuftay warar ay baahisay warbaahinta Faransiiska oo sheegayay iney suuragal tahay inuu ku biiro kooxda PSG ee dalka France, inkastoo qandaraaskiisa Etihad Stadium dhacayo sannadka 2023.
Mar uu Mahrez wareysi siiyay warsidaha France ee Canal+ ayuu yiri, “Paris waa magaaladeyda, wakhti xaadirkaan waxaan heshiis kula jiraa Manchester City, laakiin ma jiraan inaan albaabada furay, haddii PSG ay dooneyso, waan ka fikiri doonaa”.
Mahrez ayaa wakhti loo riyaaqay kusoo qaatay kooxda Leicester oo uu kaga soo biiray Le Havre bishii January 2014.
Laacibka Algeria ayaa door muhiim ah ku lahaa guulihii Foxes ee Premier League xilli ciyaareedkii 2015-16, isaga oo markii danbe u dhaqaaqay Man City. Mahrez ayaa dhaliyay 48 gool isaga oo caawiyay 38 gool 179 kulan oo uu u saftay.