Home / Cayaaro / Robert Lewandowski: “Waxaan diyaar u ahaa in aan ku biiro Manchester United”

Robert Lewandowski: “Waxaan diyaar u ahaa in aan ku biiro Manchester United”

Himilo – Bayern Munich weeraryahankeeda  Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday in mar uu ku sigtay ku biiritaanka Manchester United xilligii uu joogay  Borussia Dortmund.

32 sanno jirkaan loo caleema saaray hanashada xiddiga ugu wanaagsan abaal marinta FIFA ee sanandka 2020 ayaa wakhti wanaagsan ku qaatay Dortmund kahor inta uusan ku biirin Bayern sannadkii 2014.

Isaga oo wareysi siinayay France Football, ayuu Lewandowski yiri: “Kaddib sannadkeyga labaad ee joogitaanka Dortmund, waxaan wada sheekeysannay Sir Alex Ferguson.  Waxa uu ila doonayay ku biiritaanka Manchester”.

“Aad baan u xiiseynayay. Xittaa waxaa dhahay  diyaar baan ahay, laakiin Dortmund ma aysan dooneynin in aan ka dhaqaaqo.”

Lewandowski ayaa kamid ah weeraryahannada ugu wanaagsan dunida wakhti xaadirkan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan