Himilo – Roberto Firmino ayaa seegi doono kulanka furitaanka Champions League ee Liverpool ay la yeelan doonto AC Milan bisha soo socota dhaawac muruqa ah.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa dhaawac ka soo gaaray qeybtii hore intii lagu guda jiray barbaro 1-1 ah oo ay gurigooda kula galeen Chelsea Premier League isbuucan.
Sida laga soo xigtay Liverpool Echo, Firmino ayaa maray baaritaanno si loo ogaado baaxadda dhaawaca, inkasta oo loo malaynayo in weeraryahanku uu dib u bilaabi karo tababarka fasaxa caalamiga ah kadib.
29 jirkaan ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu dambeysay ee kooxda Jurgen Klopp si uu ugu soo laabto kooxda koowaad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, isagoo ka soo muuqday xulkiisa Copa America.
Firmino ayaa kursiga keydka fadhiyay labadii kulan ee furitaanka horyaalka ee Liverpool ay la ciyaartay Norwich City iyo Burnley, ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Anfield kulankii Chelsea.
Jadwalka mashquulka ah ee 7 kulan 22 maalmood gudahood kadib fasaxa xulalka, Klopp ma doonayo inuu ka maqnaado xiddiga reer Brazil waqti muhiim ah.