Himilo – Saynisyahanada ayaa ku rajo weyn inay rumoobi doonto aragtida ah in la heli doono saddonka sano ee soo socda robotyo kubadda cagta dadka kala wareega.
Ilaa iyo hadda waxaa la sameeyay robotyo caawil ah oo loo diyaariyay inay awood u yeeshaan ciyaaridda kubadda cagta iyo xirfadaheeda aasaasiga ah.
Waxay barteen oo ay hadda sameyn karaan go’aan qaadasho degdeg ah, marka loo baahdo in kubadda la baaso ama goosha si toos ah kubadda loogu toogto.
Peter Stone oo ah saynisyahan ka tirsan jaamacadda Texas wuxuu aaminsan yahay in robotyadan ay ku guuleysan karaan koobab caan ah.
Soddonka sano ee soo aadan tiknolojoyadda waxaa laga filayaa inay ka dhacaan waxyaabo waa weyn oo nolosha aadanaha saameeya.