Home / Habka-Nolosha / Rodriguez oo looga baaqayo England PL kadib ku gacan-seyrista Madrid

Rodriguez oo looga baaqayo England PL kadib ku gacan-seyrista Madrid

Madrid (Radiohimilo) – James Rodriguez ayaa looga gacan haatinayaa horyaalka England ee PL kadib markii kooxdiisa Madrid ay u sheegtay inuu dhaqaaqi karo.

Sportsmail ayaa fahamsan in Rodriguez uu door-bidayo u dhaqaaqista kooxda Chelsea kadib markii uu helay fasax loogu wada oggolaanayo inuu kawada dhamaan karo kooxda ku ciyaarta Santiago Bernabeu.

Rodriguez ayaa diiday inuu beeniyo soojeedin loo sameeyey oo ahayd inuu ka faaruqo gegida kooxda Real Madrid bisha January ee sanadka cusub.

“Mahubo inaan sii joogi karo halkan,” ayuu yiri markii Madrid ay ku guuleysatay koobka Club World Cup.

“Waxaan helay dalabaad; waxaana ii dhiman maalmo kooban oo aan ku go’aamiyo mustaqbalkayga.”

“Waxaan ku faraxsanahay Madrid: waxaanse u baahan yahay inan in badan ciyaaro: in kasta oon ciyaarin bar-dhamaadka, hadana waan ku faraxsanahay guusha kooxdayda.”

Warar lagu qoray wargeysyada Talyaaniga ayaa sheegaya in muddaalaha Corriere dello Sport ay ciyaaryahankan usoo jeedisay inuu ku biiro kooxda Marwada Duqda ah ee Juventus – waloow Rodriguez laftiisa marar lala xiriiriyay kooxda Inter Milan ama inuu u dhaqaaqayo horyaalka Shiinaha. 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan