Himilo – Ronald Koeman ayaa waayi doono shaqadiisa tababarenimo ee Barcelona haddii kooxda reer Catalonia ay siibato mid kasta oo ka mid ah saddexda kulan ee soo aadan ee La Liga oo ay la ciyaari doonaan Granada, Cadiz ama Levante.
Kooxda ayaa si adag ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda 2021-22 ee La Liga, iyagoo ka helay 7 dhibcood seddex kulan oo ay ciyaareen si ay u qabsadaan booska 7aad, laakiin waxay guuldarro 3-0 ah kala kulmeen Bayern Munich Talaadadii Champions League.
Olole niyadjab leh 2020-21, oo arkay in Barcelona ay ku dhammeysatay kaalinta saddexaad ee La Liga, ayaa cadaadis saartay Koeman, laakiin ninka reer Holland ayaa ku guuleystay inuu sii hayo shaqadiisa kooxda xagaagii.
Sida laga soo xigtay Sport, booska 58 jirkaan ee Camp Nou ayaa shaki weyn ku jiri doona haddii kooxdu ay sibxato mid kasta oo ka mid ah saddexda kulan ee soo socota oo ay la yeelan doonto Granada, Cadiz ama Levante.
Warbixinta ayaa sheegeysa in madaxweynaha Barcelona Joan Laporta uu durba dejinayo qorshayaal haddii ay dhacdo in Koeman laga qaado shaqadiisa.
Tababarihii hore ee Southampton iyo Everton ayaa 58 kulan u leyliyay kooxda reer Catalan wuxuuna ku faanayaa rikoorka 36 guulood, 10 barbaro iyo 12 guuldarro.