Home / Habka-Nolosha / Ronaldo oo 2016 u arka sanadkii ugu fiicnaa ciyaarihiisa ilaa hadda

Ronaldo oo 2016 u arka sanadkii ugu fiicnaa ciyaarihiisa ilaa hadda

Muqdisho – Laacibkan reer Portugal ee Christiano Ronaldo ayaa dareemaya inuu kuwa kula loolamaya abaal-marinnada ku aamusiyay bilado qaali ah – isaga oo sheegtay inay sanadkan 2016 uu ahaa sanadkiisii ugu fiicnaa ilaa hadda.

Guusha ay ku hanteen Champion League-ga kahor intuusan koru-qaadin koobka qaramada qaaradda Yurub oo loo geeyey guushii Club World Cup ayaa Ronald sanadkan uga dhigaysa sanad xusuus u leh taariikha noloshiisa.

Ronaldo ayaa, intaas waxaa usii dheer, in la guddoonsiiyay abaalmarinta Ballon d’Or iyo isaga oo Talaadadii la guddoonsiiyay abaal-marinta sharafeed kadib markii loo magacaabay Globe Soccer Awards.

“Isku wada dar dhamaan guulahan, sanadkan wuxuu ii ahaa kii iigu fiicnaa,” ayuu Ronaldo ku yiri muuqaal farriin codeed.

Wuxuu intaas kusii daray: “Sanad gudihis inan xulkayga, naadigayga iyo naftaydaba usoo hooyo sumacad iyo guul, waxay ila tahay inaysan dhinneyn wax danbo oo aan warsado.”

Tababarihiisa xulka qaranka Portugal ayaa isna loo magaacay tababaraha sanadka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan