Home / Cayaaro / Ronaldo oo diyaar u ah inuu Messi tartan kula galo Talyaaniga

Ronaldo oo diyaar u ah inuu Messi tartan kula galo Talyaaniga

Himilo FM – Cristiano Ronaldo ayaa ku booriyay Lionel Messi  “inuu aqbalo tartanka kala dhaxeeya isaga” si uu ugu raaco Talyaaniga.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa soo gabagabeeyay sagaal sanno oo uu ka ciyaarayay Spain bishii July markii uu ku biiray kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus, waxaana uu doonayaa in uu ku guuleysto horyaalka maxalliga seddex wadan oo kala duwan.

Marka laga soo tago hadalka ciyaaryahankii hore ee Sporting CP iyo Manchester United Ronaldo, Mustaqbalka Messi ee Barcelona ayaan hadda aheyn mid idlaanaya,wuxuuna laacibka reer Argentina uu heshiis kula jiraa illaa xilli ciyaareedka 2020-21.

Messi ayaa 34 jir noqonaya June 2021, Ronaldo ayaana soo jeediyay in xiddiga heerka caalami ee reer Argentina in uu raadiyo khibrad cusub oo ka baxsan tan Barcelona ka hor inta uusan siibin kabihiisa.

Markii la weydiiyay wax ku saabsan Messi, Ronaldo ayaa yiri  “Waxaan ka ciyaaray England, Spain, Italy, Portugal, halka uu weli ku sugan yahay Spain. Waxaa laga yaabaa in uu u baahan yahay wax badan.

“Aniga ahaan, noloshu waa tartan, waan jeclahay in aan dadka ka farxiyo. Waxaan jeclaan lahaa in uu maalin uun yimaado Talyaaniga, sida aniga oo kale, aqbal tartan.”

Messi iyo Ronaldo ayaa shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or, laakiin tobbankii sanno ee ugu danbeysay oo ay ku guuleysanayeen waxaa soo afjaray khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah bishan.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan