Home / Cayaaro / Ronaldo oo doonaya Laba saxiix

Ronaldo oo doonaya Laba saxiix

Himilo – Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa doonaya laba saxiix oo cusub oo ah kooxda Bianconeri isaga oo la fariisan doona si uu kooxda ugala xaajoodo xilli ciyaareedka kadib.

Wararka ka imanaya Italy iyo Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Portugal ka tagi karo kooxda reer Italy xagaagan laakiin heshiiskiisu waxa uu dhacayaa June 2022. La Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in uu doonayo in uu ka caawiyo sidii loo horumarin lahaa Marwada Duqda ah.

Warbixinta ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu doonayo ugu yaraan labo saaxiib oo cusub oo qaadi kara culeyska hamiga kooxda ee Talyaaniga iyo Yurub.

Dib ula midoobida Karim Benzema ayaa umuuqda mid aan macquul aheyn haddii uusan Ronaldo dib ugu laabanin Madrid, laakiin wargayska ayaa qoray in 36 jirkaan uu jeclaan lahaa Juventus inay lasoo saxiixato ciyaaryahan ugu yaraan la mid ah weeraryahanka Faransiiska

Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu sidoo kale doonayo saaxiibkiisa cusub ee qadka dhexe, kubadsameeye awood u leh inuu siiyo caawimaad qiimo leh.

La Gazzetta dello Sport ayaa sidoo kale warinaysa in wakiilka Jorge Mendes uu la kulmi doono Juventus si uu ugala hadlo mustaqbalka, laakiin shir madaxeedku ma dhici doono ilaa uu xilli ciyaareedku gebi ahaanba dhammeeyo.

Ronaldo ayaa haatan kujira waajibaadka xulka qarankiisa Portugal kulamada isreebreebka koobka adduunka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan