Muqdisho – Laacibka qadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos oo saacadihii hore ee bilowga sanadka cusub ee 2017 xusuustiisa ka helay guul astaan ahaan u dhigmi karta tirsi sanadeedkan oo ah guushii weyneyd ee ay marti-geliyaashii Brazil kusoo suldaareen 7-1, weeraryahankii hore ee Brazil, Luis Nazario de Lima Ronaldo ayaa kusoo fal-celiyay guushii ay 2002 Jarmalka kaga adkeen 2-0 bar-dhamaadka koobka dunida.
Kubad-qaabeeyaha Jarmalka u dhashay ayaa ruxay bar-bulsheedkiisa Twitter-ka kadib markii uu soo dhigay (Muuqaalka kore) oo ka turmujaya 20- 1 (goolkii aqoonka ahaa ee Brazil la timid) 7 (Tirada goolashii Jarmalku ku xaaqeen).
Muuqaalka ayaa xusuus aan la jecleysan ku noqotay reer Brazil oo uu kamid yahay laacibkii hore ee Ronaldo kaas oo isna dhankiisa kusoo fal-celiyay inuu dib u xusuusiyo guushii Brazil kusoo garaaceen finalka koobkii adduunka ee 2002 ka dhacay Korea-Japan.
“Sanad cusub, mr. Kroos,” ayuu ku qoray Ronaldo bartiisa isaga oo muuqaalka idin muuqda soo saaraya boggiisa.
Sawirka Ronaldo ayaa isna muujinaya 2 (oo ah goolashii uu dhaliyay Ronaldo) 0 ( oo ah gool la’aantii Jarmalka looga qaaday koobka) oo lagu daray 17.