Home / Habka-Nolosha / Ronaldo oo loo boqray laacibka sanadka

Ronaldo oo loo boqray laacibka sanadka

Zurich – Ronaldo ayaa loo boqray ciyaaryahanka ugu fiican sanadka – isaga oo loolanka kaga soo adkaday laacibiinta Antonio Griezman iyo Lionel Messi.

Guusha Ronaldo ee FIFA ugu magacawday laacibka sanadka ayaa daba socta laba guulo oo midi taariikhi tahay iyo hanashada Champion League.

12 kii bilood ee lasoo dhaafay Ronaldo ayaa dhaliyay 59 goolal ah oo ka badan goolasha Messi.

Balse hanashada koobka qaramada Yurub oo uu u qaaday xulkiisa Portugal kahor intuusan soo qaadin Champion-ka, ayaa abaal-gudka laacibka sanadkan loogu boqray Ronaldo macno gaar ah ugu fadhida.

31-jirkan ayaa farxad la giriiray markii loogu yeeray si loogu boqro abaalmarinta. “Xagaagii hore wuxuu ii ahaa sanad la yaab leh waayo aniga iyo jaallayaashaydaba waxaan sameyney taariikh curdin ah,” ayuu yiri Ronaldo.

“Waa inaan u mahad-celiyaa laacibiinta xulkayga iyo naadigayga dadaalkii ay ila garab-galeen.”

Bishii hore, Ronaldo ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta  Ballon d’Or markiisii afaraad.

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan