Himilo – Weeraryahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican Portugal ee sannadka 2019.
Ronaldo ayaa qaatay billada dalkiisa laga bixiyo ee ‘Best Men’s Player’, Ciyaaryahanka ugu fiican ragga taasoo la micno ah inuu haatan ku guuleystay abaalmarin kasta oo Quinas de Ouro ah (2015, 2017, 2018 iyo 2019).
34 jirkan ayaa kooxda Juventus u dhaliyay 28 gool oo Serie A ah isagoo xagaagii lasoo dhaafay ka yimid Real Madrid.
Wuxuu sidoo kale qaab ciyaareed heer sarre ah kula jiray Portugal, taasoo u horseeday inay hantaan koobka Nations League ee xagaaga.
Ronaldo waxaa uu billadan ka qaaday xiddiga Atletico Madrid Joao Felix, kan Manchester City Bernardo Silva, khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes iyo Wolves laacibkooda Ruben Neves.
Ronaldo ayaa waayay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Uefa iyadoo ay sabab u tahay daafaca Liverpool Virgil van Dijk, waxaana uu doonayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta FIFA The Best ka dib markii la magacaabay.
Sida loo kala hantiyay billadihii laga bixiyay dalka Portugal
Xiddiga sannadka: Cristiano Ronaldo (Juventus)
Ciyaaryahanada sannadka: Jessica Silva (Levante / Lyon)
Tababaraha sannadka ragga: Bruno Lage (Benfica)
Tababaraha sannadka ee haweenka: Miguel Santos (Braga)
Kooxda sannadka ee ragga: Benfica
Kooxda sannadka ee haweenka: Benfica