Home / Cayaaro / Rooney: Man Utd waa in ay 100 milyan ku iibsadaan Kane iskana illaawaan Sancho

Rooney: Man Utd waa in ay 100 milyan ku iibsadaan Kane iskana illaawaan Sancho

Himilo – Xiddigii hore Red Devils ayaa kooxdiisa ku dhaleeceeyay in ay diiradda saareen saxiix qaldan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wayne Rooney ayaa rumeysan in Manchester United u wanaagsanaan laheyd in lacagaha badan ee £100 milyan ah ay ku bixiyaan Harry Kane halkii ay kusoo iibsan lahaayeen Jadon Sancho.

Red Devils ayaa wakhti dheer raacdo ugu jirtay sidii ay ku heli lahaayeen weeraryahanka Borussia Dortmund, balse waxay ku guuldarreysteen in ay ka guul gaaraan heshiiskiisa.

“Jadon Sancho waa xiddig sare, laakiin ma ahan midkii ku haboonaa Man Utd “, ayuu Rooney u sheegay Sunday Times.

“Kane, Haland ama qof kale sida Robert Lewandowski waxaan ka garab ciyaarsiin lahaa Rashford and Martial waana sida ugu habboon”, ayuu sii raaciyay

Man Utd ayaa suuqa kala iibsiga ka raadineysa ciyaartooy cusub oo ay kusoo kordhinayaan naadiga si ay saameyn kooxda ugu kordhiyaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan