Home / Habka-Nolosha / Rooney oo aan qabin in City ay kamid tahay kooxaha abid ugu fiican horyaalka.

Rooney oo aan qabin in City ay kamid tahay kooxaha abid ugu fiican horyaalka.

Muqdisho – Wayne Rooney ayaan wali aaminsanayn in Manchester City ay kamid tahay kooxaha abid ugu fiican horyaalka taariikhdiisa.

City waxay 4-1 ku dhirbaaxday kooxda Tottenham taas oo dhigtay 14 dhibcood oo nadiif ah inay kaga sarreeyaan kooxda kusoo xigta ee Man United oo maanta la ciyaaraysa West Brown.

Wayne Rooney ayaa qirsan in sanadkan kooxdu ay heysato tayo dahabi ah, hayeeshe aysan sameynin bootin dheer oo loogu aqoonsan karo mid kamid ah kooxaha abid ugu fiicnaa horyaalka PL.

“Ma hubo inay tayadaas gaari karaan. Waxaa sugaya jid dheer inay ku gaaraan darajadaas,” ayuu yiri.

Rooney ayaan sidoo kale hubin in xittaa City ay sida Arsenal oo kale xagaagan ku dhameysan doonto guul-darro la’aan.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan