Kabtanka Manchester United iyo qaranka Ingiriiska Wayne Rooney ayaa loo magacaabay abaalmarinta xiddiga ugu qanisan cayaartoyda Britain sanadkan oo lagu soo daabacay liiska taajiriinta 2016 ee jariiradda Sunday Times.
30 jirkaan ayaa arkay 12kii bilood oo ugu danbeysay isagoo helay koror maaliyadeed oo dhan £10m, wuxuuna uga mahdinayaa heshiiskii uu dhowaan la galay kooxda ku dheesha Old Trafford isagoo muteystay in Red Devils uu toddobaadkii ka helo adduun lacageed dhan £300,000.
Rooney ayaana iminka ah xiddiga lacagaha ugu badan mushaar ahaan uga qaata horyaalka Premier League cayaartoyda ka dheesha, waxaana u dheer heshiisyo uu kula jiro shirkadaha Nike iyo Samsung oo qarashaadka uu ka helo ay siyaado ku yihiin kobociisa maaliyadeed ee sanadlaha ah.
Xiddiga Teniska caanka ku ah Andy Murray – oo uu wehliyo walaalkiis Jamie – ayaa booska labaad kaga jira liiskan kaddib markii Murray uu hantay shaqsiga cayaaraha sanadka ee BBCdu bixiso, isagoo sidoo kale ku guuleystay koobka Davis Cup.
Walaalaha ayaa wadar ahaan heysta adduun lacageed dhan £58m.
Rory McIlroy ayaa booska saddexaad so galay isagoo hantiyay 12kii bilood oo ugu dnabeysay adduun lacageed dhan £18m, badi lacagta ayuuna ku helay xayaysiimo uu sameeyay xiddigu.
Toddobo kamid ah tobanka maalqabeen ee liiska ku soo baxay ayaa ka dheela horyaalka Premier League halka sidoo kale uu liiska ku jiro xiddiga Real Madrid Gareth Bale oo kamid ah wiilasha ku xamaasha kubadda cagta. Laacibkan Wales u dhashay ayaana heysta adduun lacageed dhan £34m.
Liiska ay soo saartay Sunday Times oo dhameystiran: 1) Wayne Rooney, 2) Andy and Jamie Murray, 3) Rory McIlroy, 4) Gareth Bale, 5) Sergio Aguero, 6) David Silva, 7) Cesc Fabregas, 7) Radamel Falcao, 9) Samir Nasri, 10) Eden Hazard, 11) Amir Khan