Xulka qaranka Ingiriiska ayaa kulan cayaareed xiiso badan ka hor tegay dhigiisa Ruushka oo Group B ay kawada tirsan yihiin.
Kulanka oo ka dhacay gegada Stade Velodrome waxaa u soo daawasho tegay 60,000 oo taageere, waxaana dhexdhexaadiye ka ahaa garsooraha reer Talyaani Nicola Rizzoli.
Qeybtii koowaad ee kulan cayaareedka ayaa lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah, walow fursado dahabi ah ay labada dhan soo mareen, haba u badnaadaan kuwii Ingiriisku helay.
Eric Dier ayaa daqiiqaddii 73aad hogaanka u dhiibay qaranka Ingiriiska markii uu gool ku dhaliyay laad xor ah oo loo dhigay meel u dhow diilinta ganaaxa Ruushka.
90kii daqiiqo ee kulanka ayaa soo idlaaday xilli wiilasha macallin Hodgson ay hogaanka hayeen, iyadoo sidoo kale fursado dahabi ay iska qasaariyeen Wayne Rooney iyo Harry Kane.
Denis Glushakov ayaase saddex daqiiqo oo kulanka lagu daray goolka barbaraha u dhaliyay qaranka Ruushka si labada xul ay ugu kala baxaan barbaro min gool ah.
Groupka B ayaa iminka waxaa durba hogaankiisa gacanta ku dhigay xulka Wales oo isna 2-1 ku macsalaameeyay dhigooda Slovakia.
Gareth Bale ayaa hogaanka u dhiibay inta uusan ka barbareyn Ondrej Duda, hayeeshee Wales ayaa goolka guusha ka heshay Hal Robson-Kanu.
Ugu danbeyn xulka Switzerland ayaa 1-0 macsalaameeyay dhigooda Albania.
Kulankan oo ka dhacay gegada Stade Bollaert-Delelis ayaa ahaa kulan qaas ah maadaama labada xul ay ka dhexeysay xiriir wada dhalasho oo ay jireen tiro 10 cayaartoy gaaraya oo metelayay Albania oo ku dhashay kuna barbaaray Switzerland iyadoo toddobo kamid ah ay horaan ugu soo cayaareen da’yarta Switzerland.
Kulanka ayaa sidoo kale taariiq u sameeyay walaalaha Xhaka ee Granit Xhaka iyo Taulant Xhaka oo kala metelayay labada xul xilli ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin.
Cayaarta ayaase ku dhamaatay 1-0 oo guushu ku raacday Switzerland, waxaana mudnaanteeda leh Fabian Schaer oo daqiiqaddii shanaad ee bilowga cayaarta dhaliyay goolka labada xul kala saaray.