Home / Habka-Nolosha / Ryan Giggs oo u dhow qabashada tababaranimada kooxda Swansea

Ryan Giggs oo u dhow qabashada tababaranimada kooxda Swansea

Muqdisho – Laacibkii hore ee kooxda Shayaadiinta Cascas ayaa ah musharaxa ugu cadcad ee qabanaya xilka manager-nimo ee kooxda Swansea kadib markii Bob Bradley laga eryay shaqadiisa.

Swansea ayaa eriday Bradley wax ka yar 85 maalmood kadib oo uu hayay xilka tababarenimo ee kooxda Welsh-ka.

Kooxdan ayaa boosaska hoose kaga jirta kala horreynta kooxaha horyaalka England ee PL – iyada oo kulankii ugu danbeeyey ee Boxing Day-ga ay gurigeeda guuldarro 4-1 kala kulntay kooxda West Ham United.

Giggs, oo 43 jir ah, ayaa u cadcad qabashada kooxda kala soo jeedda Wales-ka. Wuxuu taniyo xagaagii hore ahaa shaqo la’aan kadib markii uu ka tagay shaqada tababare xigeen ee kooxda United-ka.

Waana musharaxa ugu maaan-galsan ee suura-gal ka noqon kara qabashada booska macalinnimo ee kooxda Swansea City.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan