Himilo – Shirkad fadhigeedu yahay dalka Lebanon ayaa iibineysa saabuun qabeysta adkaha ah ee ugu qaalisan dunida, taasi oo qiimaheedu yahay $2,800.
Waxey ka sameysan tahay saabuuno kala duwan, waxyaabo maqaarka lagu daryeelo oo ay ku jiraan Saliido muhiim ah, Timir, Malab iyo dhir kale oo carfoon, waxaa lagu iibinayaa dukaamada ugu qaalisan ee ku yaala Dubai, waxaase laga iibin doonaa kaliya dadka khaaska ah.
Khan Al Saboun oo shaqeyneysa tan iyo qarnigii 15aad, ayaa horrey usoo saartay saabuuntan iyada oo tijaabo ah oo ka sameysan budada Dahabka iyo Diamond-ka, markaasi waxey hadiyad uga dhigtay marwada koowaad ee dalka Qadar.
Laba sano kadib, 2015-kii BBC-da oo muuqaal ka sameeysay ayaa sheegtay inay ku jiraan walxo dhibaato u geysan kara jirka aadanaha, balse Amir Hasen, madaxa shirkadda ayaa beeniyay.
“Saabuunta noocaan ah waxey ku galineysaa firfirsooni, ma aha oo kaliye tan ugu qaalisan dunida balse waxey ka sameysan tahay Dahab iyo Diamond” ayuu yiri Amir Hasen.
Waxaa durbadiiba iibsaday Sheila Sabet, gabadha filimada jisha ee kasoo jeedda Bahrain, sida ay daabacday mareegta Al ain. Waxaa saabuuntan ku jira 17 garaam iyo 24-carat oo dahab ah iyo garaamo aanan cayinneen oo budada diamond-ka.